"MW Xasan Sheekh oo Mucaaradka Ku Dhaliilay Diidmada Guddiga Farsamo ee Wada Shaqeynta"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka, arrimaha doorashooyinka, iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in dib u eegista Dastuurka ay u martay hab sharci ah, iyadoo la magacaabay guddi madax-bannaan, laguna ansixiyay Baarlamaanka Federaalka. Wuxuu xusay in shaqadii dib u eegista ay si rasmi ah u bilaabatay, isaga oo yiri:
“Anagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida Dastuurka dib u eegis loogu sameynayo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoosta ka xarriiqay in Dastuurka uu siinayo awood dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada inay ka wada hadlaan arrimaha siyaasadeed, wixii lagu heshiiyana loo gudbiyo Baarlamaanka — balse Baarlamaanku uu leeyahay awoodda ugu dambeysa ee wax ka beddelka qodobada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallo cusub la furay, ayna la tixgeliyay qodobbo ay soo jeediyeen mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, isagoo carabka ku dhuftay in “albaabka doodda iyo wadahadalku weli furan yahay”.
Madaxweynuhu wuxuu dhaliilay xubno mucaarad ah oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Qaranka, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay diideen in la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah si loo dhammeeyo qodobada lagu kala aragti duwanyahay. Wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah mucaaradka ay weli ku adkeysanayaan in Dastuurka lagu daayo sidii uu ahaa sannadkii 2012, taas oo uu ku tilmaamay "mid aan waaqici ahayn."
Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in jadwalka doorashooyinka uu ku jiro gacanta Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan, dowladduna ay mas’uul ka tahay fulinta oo kaliya, balse aanay awood u lahayn in ay iskeed u dejiso taariikh cusub.
“Anigu muddo kordhin ma raadinayo, waxaana diyaar u ahay waxa sharcigu dhigayo,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in inkastoo maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen hanaanka dib u eegista Dastuurka, haddana xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada uusan gabi ahaanba go’in, balse uu mararka qaar dib u dhac ku imaan karo.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha wuxuu ku celiyay in dowladdiisu ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka iyo gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in aragtiyahooda kala duwan lagu dhameeyo wadahadal, tanaasul, iyo is-qaddarin qaranimo ku dhisan.