|

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Dhiggiisa Baxrayn

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 24, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Dhiggiisa Baxrayn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada New York kula kulmay dhiggiisa dalka Baxrayn, Dr. Abdullatif bin Rashid Al Zayani, xilli uu halkaasi ka socdo Fadhiga Guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa si gaar ah loogu lafaguray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyagoo labada dhinac isla gartay in la sii dardargeliyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan arrimaha diblomaasiyadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa wadahadal ku yeeshay xaaladda gobolka iyo isbeddellada caalamiga ah ee labada dal ay daneeyaan, iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo wadashaqeynta iyo iskaashi joogto ah si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Dowladda Baxrayn doorashadii ay ku noqotay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2026–2027), isaga oo xusay in xubinnimadani tahay fursad lagu dhiirrigelin karo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.