|

"Gaza: Isbitaallada oo Buuxsamay kadib Duqeymo Cusub"

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 24, 2025
"Gaza: Isbitaallada oo Buuxsamay kadib Duqeymo Cusub"

 Dhaqaatiirta ka howlgalaya isbitaallada magaalada Qasa, gaar ahaan kuwa ku yaalla meelaha uu duqeynta ka socoto, ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid aad u adag, iyagoo la tacaalaya dhaawacyo baaxad leh oo ka dhashay duqeymaha sii kordhaya ee Israa’iil.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay qalliimo adag ku sameeyaan bukaanno aan helin wax daawooyin suuxdin ah, taas oo khatar gelinaysa nolosha bukaanka iyo caafimaadka guud ee bulshada. Mid ka mid ah dhakhaatiirtaasi, oo u dhashay Australia islamarkaana si mutadawacnimo ah uga shaqeynayay isbitaalka al-Shifa, ayaa sheegay  in ay maalin walba la kulmaan xaalado naxdin leh oo ay dad badan ku dhintaan.

Dhakhtar kale ayaa ka sheekeeyay dhacdo murugo leh oo ku saabsan cunug laga badbaadiyay caloosha haweeney uur leh oo madaxeeda laga jaray duqeyn darteed.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa si xowli ah ugu sii siqaya bartamaha magaalada Qasa, iyagoo 500 mitir u jira isbitaalka al-Shifa, unajeedadooduna tahay in ay si buuxda ula wareegaan magaalada. Milatariga Israa’iil ayaa magaalada Qasa ku tilmaamay "goob ay Xamas ku xooggan tahay", taas oo la micno ah in duullaanka la sii ballaarinayo.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay magaalada u galayaan jihooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin koonfurta iyo waqooyi-galbeed, taasoo sare u sii qaaday cabsi laga qabo in shacabka rayidka ah ay wajahaan xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.