|

Faransiiska oo Si Rasmi ah u Aqoonsaday Dowladda Falastiin

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 23, 2025
Faransiiska oo Si Rasmi ah u Aqoonsaday Dowladda Falastiin

Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad ay leeyihiin Falastiin, isagoo noqday dalkii ugu dambeeyay ee dhowr dal oo tallaabadan qaaday.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa sheegay in “waqtigii nabadda la gaaray”, wuxuuna ku adkeystay in “wax qiil ah uusan u jirin dagaalka Qasa ka socda”.

Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa martigelinaya shir hal maalin ah oo ka dhacaya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo diiradda lagu saarayo qorshaha xalka labada dal. Hase yeeshee waddamada G7 sida Germany, Italy iyo Maraykanka kama aysan qeyb galin kulanka.

Dalalka Belgium, Luxembourg, Malta, Andorra iyo San Marino ayaa la filayaa inay ku biiraan aqoonsiga, ka dib markii UK, Canada, Australia iyo Portugal ay Axadii ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen dowlad ay leeyihiin Falastiin.

Cadaadis caalami ah ayaa kusii kordhaya Israa’iil, iyadoo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah bani’aadantinimada Qasa iyo deegaameynta sharci-darrada ah ee Daanta Galbeed.

Dowladda Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in aqoonsiga Falastiin uu abaalmarin u yahay weerarkii Xamaas ee 7-dii October 2023, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof laguna qafaashay 251 kale.

Tan iyo waqtigaas, in ka badan 65,000 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha iyo dagaalka Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Qasa. Ciidamada Israa’iil ayaa hadda wado weerar dhanka dhulka ah oo ay ku doonayaan inay la wareegaan magaalada Qasa oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof, halkaas oo bishii hore lagu xaqiijiyay in macaluul ka jirto.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.