|

Mucaaradka oo War-murtiyeed Kasoo Saartay Kulankii Xalay

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 23, 2025
Mucaaradka oo War-murtiyeed Kasoo Saartay Kulankii Xalay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Madasha Samatabixinta Qaranka, xildhibaanno mucaarad ah, haween, aqoonyahanno, qurbo-joog, ururada bulshada, dhalinyaro, ganacsato iyo dadkii barakaca ku qasbanaa.

Kulanka kadib, waxaa la soo saaray war-murtiyeed ay ku xuseen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

  • Jabinta dastuurka dalka.

  • Dib u dhaca doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

  • Barakicinta shacabka Muqdisho.

Mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ka masuul yahay dhul-boobka ka socda caasimadda. Sidoo kale waxay sheegeen in muddo xileedka madaxda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu uu dhammaaday, iyagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo qabto doorashooyin cusub.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.