|

Maxaa Laga Filayaa Shirka Golaha Ammaanka ee QM?

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 22, 2025
Maxaa Laga Filayaa Shirka  Golaha Ammaanka ee QM?

Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah looga furay kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo soconaya 22–27 Sebtembar, lana soo xirayo 29-ka bishan.

Shirkan sannadlaha ah ayaa lagu wadaa in madaxda dalalka xubnaha ka ah QM ay kaga doodaan caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka horyaalla, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay dunida. Waxaa sidoo kale lagu falanqeynayaa xaaladda Qaza, nabadda iyo amniga caalamiga ah, dib-u-habeynta hay’adaha QM, yareynta saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeybgalaya madasha, waxaana lagu wadaa inuu khudbad rasmi ah ka jeediyo, isagoo soo bandhigi doona mudnaanta Soomaaliya, xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta ay ku leedahay dadaallada caalamiga ah.

Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona hoggaamiyeyaal caalami ah, si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo dalalka kale.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.