|

Soomaaliya: Golaha Ammaanka Wuu Ku Guuldareystay Gaza

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 21, 2025
Soomaaliya: Golaha Ammaanka Wuu Ku Guuldareystay Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliishay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedeysay inuu ku guuldarreystay dhaqan-gelinta qaraarradii loogu talagalay ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan kuwa ku nool Marinka Gaza.

Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa sheegay in xaaladda Gaza ay si xawli ah uga sii dareyso, dagaalka Israa’iilna uu sababay gaajo daran, masiibo bini’aadantinimo iyo dhibaatooyin joogto ah oo si gaar ah u saameeyay haweenka iyo carruurta.

“Golaha Ammaanka wuxuu ku guul darreystay dhaqan-galka qaraarradii ku baaqayay joojinta dagaalka, sii deynta maxaabiista, fududeynta gaarsiinta gargaarka, iyo ilaalinta sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Baalle.

Diblomaasiga Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Falastiin, isagoo ku baaqay:

  • In la soo afjaro qabsashada dhulka Falastiin.

  • In si degdeg ah loo joojiyo dagaalka joogtada ah.

  • In xorriyadooda dib loogu celiyo dhammaan dadka si sharci-darro ah loo xidhay.

  • In dib loo bilaabo hab siyaasadeed oo horseeda xal laba-dowladeed oo waara.

Baalle ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada ay wadaan Qatar, Masar iyo Maraykanka, kuwaas oo ku aaddan sidii xal siyaasadeed loogu heli lahaa colaadda Gaza. Waxa uu rajo ka muujiyay in shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda uu horseedi doono nabad waarta iyo cadaalad dhab ah oo loo helo dadka Falastiin.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya ayaa ku adkaysatay inay ka go’an tahay raadinta nabad waarta oo ku dhisan qiyamka iyo dastuurka Qaramada Midoobay, iyadoo ku celisay baaqeeda ah in la soo afjaro qabsashada muddada dheer socotay ee dhulka Falastiin.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.