Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed oo Digniin Culus u Diray Dowladda Federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujiyay walaac xooggan, isaga oo digniin adag u diray madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib cabashooyinka isa soo taraya ee shacabka ku saabsan dhulalka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxda dowladda aysan ku fiicnayn inay iska indha-tiraan dareenka iyo cabashada shacabka, maadaama arrimaha dhulka ay yihiin kuwo si joogto ah u kiciyay caro iyo banaanbaxyo bulshada dhexdeeda ah.
“Cabashooyinka shacabka waa codad xaq leh oo u baahan in si degdeg ah loogu jawaabo, haddii la iska indho tiro waxay sababi karaan xaalado amni iyo mid bulsho oo xumaada,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Hadalkan ayaa yimid kadib dhacdo ka dhacday degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dad shacabka ah oo bannaanbax ku muujinayay cabashadooda dhul. Dilkaasi ayaa sii kordhiyay caro iyo dareen shacabka ka dhashay, taas oo sababtay in bulshada iyo siyaasiyiinba ay codkooda ku muujiyaan walaac xooggan.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xallinayo khilaafaadka dhulalka, isla markaana ay ka hortagto ficillo ka sii daraya xiisadda shacabka.
Shariif Sheekh Axmed waxa uu xusay in dowlad kastaa masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo in aysan dhagaha ka fureysan cabashooyinka ka imanaya shacabka, gaar ahaan kuwa la xiriira dhulka oo si gaar ah ugu nugul bulshada Soomaaliyeed.