Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray 12 waddo cusub oo laga hirgeliyay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 12 waddo oo cusub oo lagu dhisay qaabka Interlock, kuwaas oo laga hirgeliyey Waaxda Xaawo Taako ee degmada Hawlwadaag.
Mashruucan ayaa ka hirgalay iskaashiga bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Dr. Muungaab ayaa sheegay in xasilloonida iyo nabadgelyada magaalada ay horseedeen horumar muuqda, isla markaana dowladda hoose ka go’an tahay in canshuurta shacabka dib loogu celiyo adeegyo la taaban karo. Wuxuu carabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad la siin doono dhismaha iyo dayactirka waddooyinka muhiimka ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in qorshaha dhismaha Wadada Warshadaha uu meel wanaagsan marayo, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo. Wuxuu intaas ku daray in si dhawaan ah wax looga qaban doono waddooyinka Daalo iyo Fagax.
Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay shacabka inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, maadaama ay tahay masuuliyad guud oo ka saaran dhammaan bulshada.
Munaasabadda xarig-ka-jarista waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal ka tirsan maamulka gobolka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan degmada Hawlwadaag.