|

Israa’iil oo Kordhisay Duqeymaha Gaza

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 16, 2025
Israa’iil oo Kordhisay Duqeymaha Gaza

Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ka socda magaalada Gaza saacado un kadib markii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu magaalada Quddus kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio.

Wararka ka imanaya wariyeyaasha maxalliga ah waxay sheegayaan in magaalada Gaza ay ka socdaan duqeymo joogto ah oo madaafiic iyo rasaas culus ah, kuwaas oo sababay burbur baaxad leh. Guryo badan ayaa la sheegay in ay dhulka la simmeen, halka dadka rayidka ah qaarkood ay ku xayiran yihiin burburka hoostiisa.

Inkasta oo ay jiraan warar warbaahineed oo tilmaamaya suuragalnimada duullaan dhulka ah oo ballaaran, haddana weli ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Israa’iil.

Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa la filayaa inuu booqdo Qatar, halkaas oo hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay horey uga cambaareeyeen weerarkii Israa’iil ay toddobaadkii hore ku qaadday caasimadda Doha.

Shirarkii Carabta iyo Islaamka ayaa si wadajir ah ugu yeeray in la joojiyo gardarrada joogtada ah ee Israa’iil, iyagoo ku adkeeyay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka gobolka, gaar ahaan taageerada qaddiyadda Falastiin.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.