|

War-murtiyeed adag oo laga soo saaray shirkii Carabta iyo islaamka

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 16, 2025
War-murtiyeed adag oo laga soo saaray shirkii Carabta iyo islaamka

Magaalada Doha ee caasimadda Qatar ayaa lagu qabtay shir-madaxeed degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo diiradda lagu saaray weerarkii Israa’iil ay ku qaadday dalka Qatar.

War-murtiyeed rasmi ah oo laga soo saaray shirka ayaa si adag loogu cambaareeyay falkan, waxaana lagu qeexay inuu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah nabadda iyo amniga caalamka. Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa si mideysan u muujiyeen taageerada buuxda ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Qatar, iyagoo ballanqaaday inay difaacayaan madax-bannaanida iyo karaamada dalalka xubnaha ka ah.

Madaxda ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamka ay qaadaan tallaabooyin muuqda oo lagu joojinayo xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil, kuwaas oo lagu tilmaamay inay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka iyo nidaamka cadaaladda caalamiga ah.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda mideynta dadaallada difaaca iyo ilaalinta karaamada dalalka Carabta iyo Muslimiinta, iyadoo mar kale xoogga la saaray taageerada joogtada ah ee qaddiyadda Falastiin.

Shirka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay kaalinta dalalka sida Aljeeriya, Soomaaliya iyo Pakistan, kuwaas oo safka hore kaga jira difaaca qaddiyadda Falastiin iyo ka hortagga gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza iyo guud ahaan gobolka. Sidoo kale, waxaa la ammaanay doorka Jordan ee ilaalinta goobaha barakaysan ee Qudus iyo kaalinta Morocco ee guddiga Qudus.

Ugu dambeyn, hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa ku adkeeyay in loo midoobo difaaca xuquuqda dalalka Muslimiinta iyo Carabta, iyagoo si cad u muujiyay inay garab taagan yihiin Qatar iyo shacabka Falastiin.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.