|

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Qadar

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 15, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Amiirka Qadar, Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiirka Qadar mowqifka cad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo lagu xadgudbayo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga dalka Qadar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday sida Soomaaliya iyo Qadar ay ugu mideysan yihiin walaaltinimada, taageerada iyo iskaashiga, taas oo ka tarjumaysa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhankiisa, Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya taageerada walaalnimo ee shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen dalka Qadar. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Kulankan ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar, isla markaana xoojinaya mowqifyada labada dal ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga guud ee gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.