|

Booliiska Soomaaliya oo soo qabtay dhallinyaro ku eedeysan falal khatar gelinaya amniga iyo bulshada

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 15, 2025
Booliiska Soomaaliya oo soo qabtay dhallinyaro ku eedeysan falal khatar gelinaya amniga iyo bulshada

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka saldhigga degmada Hodan ay gacanta ku soo dhigeen afar dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay sameeyeen falal khatar ku ah amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada.

Eedeysanayaasha la xiray ayaa lagu kala magacaabay:

  1. C/Risaaq Maxamed Faarax

  2. Najiib C/llaahi Mire

  3. Feysal Cismaan Maxamed

  4. C/maalik Maxamuud Daahir

Booliska ayaa sheegay in dhallinyaradan ay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku faafiyeen muuqaallo muujinaya iyagoo isku dhigay gaadiidka waddooyinka maraya, taas oo khatar ku ahayd naftooda iyo tan bulshada, isla markaana sababi karta shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh.

“Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale, ciidamada Booliska ayaa digniin culus u diray cid kasta oo ku kacda falal halis gelinaya amniga iyo badqabka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono qof kasta oo ku lug yeesha arrimahaas.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Booliska ay xalay sidoo kale soo xireen dhallinyaro kale oo TikTokers ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.