Laftagareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed amid khilaaf siyaasadeed
Laftagareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed amid khilaaf siyaasadeed
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa si rasmi ah u magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, xilli uu taagan yahay khilaaf culus oo kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo la faray inuu si degdeg ah u bilaabo howlaha shaqo ee loo igmaday.
Ujeedada dhismaha guddigan ayaa ah in uu maamulo doorashada Golaha Wakiillada iyo tan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaas oo hadda muran ka taagan yahay, isla markaana ay isku hayaan maamulka Laftagareen iyo mucaaradka oo taageero ka helaya dowladda dhexe.
Arrintan ayaa sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac, taasoo mararka qaar isu beddeshay gacan ka hadal.
Waxaa sidoo kale muuqata in Laftagareen uu u jiheystay qabashada doorasho uu si gaar ah u maamulo magaalada Baydhabo, iyadoo arrintan la barbar dhigayo tallaabadii uu horey u qaaday Axmed Maxamed Islaam oo doorasho gaar ah ku qabtay magaalada Kismaayo.
Laftagareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed amid khilaaf siyaasadeed