|

Mareykanka oo $15,000 dammaanad ah ku xiraya fiisaha dalal badan

Warar · Ilhaan · March 19, 2026
Mareykanka oo $15,000 dammaanad ah ku xiraya fiisaha dalal badan
mareykanka
In Summary

Mareykanka oo $15,000 dammaanad ah ku xiraya fiisaha dalal badan

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa soo saaray qorshe cusub oo lagu adkeynayo habka bixinta fiisaha, kaas oo muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ku waajibinaya inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaareysa $15,000.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo diiday in magaciisa la shaaciyo, 12 dal ayaa lagu daray liis horey uga koobnaa 38 dal, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.

Barnaamijkan cusub ee dammaanadda fiisaha ayaa si gaar ah u khuseeya fiisooyinka nooca B1 iyo B2 (ganacsi iyo dalxiis), waxaana la qorsheeyay inuu dhaqan galo 2-da Abriil. Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in laga hortago dadka ku xadgudba muddada fiisahooda oo ka badsada waqtiga loo oggol yahay.

Dalalka cusub ee lagu daray barnaamijka waxaa ka mid ah: Cambodia, Itoobiya, Georgia, Grenada, Lesotho, Mauritius, Mongolia, Mozambique, Nicaragua, Papua New Guinea, Seychelles iyo Tunisia.

Mas’uulka ayaa sidoo kale xusay in lacagta dammaanadda dib loogu celin doono dadka fiisaha hela, haddii ay si buuxda u raacaan shuruudaha fiisaha isla markaana ay dalkooda ugu laabtaan waqtigii loogu talagalay, ama haddii aysan safarka bilaabin.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo ee sanadkan, Madaxweyne Trump ayaa hirgeliyay siyaasado adag oo dhanka socdaalka ah, oo ay ka mid yihiin masaafurin ballaaran, joojinta fiisooyinka iyo kaararka cagaaran, iyo baaritaanka qoraallada baraha bulshada iyo hadalladii hore ee muhaajiriinta.

Dhanka kale, kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xaddidayaan cadaaladda iyo xorriyadda hadalka. Si kastaba, Trump iyo taageerayaashiisa ayaa difaacaya siyaasaddan, iyagoo sheegay inay kor u qaadeyso amniga gudaha Mareykanka.

Sidoo kale, bishii Juun ee la soo dhaafay, Trump wuxuu soo rogay xayiraad safar oo si buuxda ama qayb ahaan uga mamnuucday muwaadiniinta 19 dal inay galaan Mareykanka, sababo la xiriira amniga qaranka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.