|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Warar · Ilhaan · March 7, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya Tanzania si uu uga qeyb galo  shir ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika
In Summary

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u safraya dalka Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Shirkan oo ah kulankii 25-aad ee caadiga ah ee madaxda ururka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Arusha 7-da Maarso 2026, waxaana ka soo qeyb geli doona madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, horumarinta dhaqaalaha gobolka, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyo dardargelinta mashaariicda wadajirka ah ee lagu hormarinayo dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha shirka ka qeybgalaya ayaa ka wada hadli doona arrimaha amniga gobolka, xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarineed ee ay wadaagaan.

Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay Bulshada Bariga Afrika ayaa dadaal ku bixinaysa sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha dhaqaale, ganacsi iyo iskaashi ee ka dhex jira dalalka gobolka, iyadoo la filayo in ka qeybgalka shirka uu xoojiyo doorka Soomaaliya ee ururka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka Bariga Afrika.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.