|

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo xoojinaya iskaashiga sahminta shidaalka

Warar · Ilhaan · February 25, 2026
Soomaaliya iyo Kazakhstan oo xoojinaya iskaashiga sahminta shidaalka
Soomaaliya iyo Kazakhstan oo xoojinaya iskaashiga sahminta shidaalka
In Summary

Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa xoojinaya iskaashiga sahminta shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kazakhstan, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada Astana mas’uuliyiin ka tirsan waaxda tamarta, si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee ku aaddan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada ayaa waxaa ka mid ahaa la-kulanno uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka ee KazMunayGas, iyo Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Kazakhstan.

Wadahadalladu waxay si gaar ah diiradda u saareen iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta, gaar ahaan qeybta hore (upstream), taasoo muujinaysa dan wadajir ah oo lagu dhisayo iskaashi faa’iido u leh labada dal. Dhinaca Kazakhstan ayaa soo bandhigay awooddooda farsamo, khibraddooda ballaaran ee sahminta khayraadka shidaalka iyo gaaska (hydrocarbons), iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.

Intii lagu guda jiray kulamada, Safiirka ayaa soo bandhigay fursadaha ka jira Soomaaliya ee la xiriira shidaalka iyo gaaska dhulka (onshore) iyo badda (offshore), isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta khayraadka si mas’uuliyad leh, dejinta hannaan sharci oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimada sahminta juqraafiyeed (geological exploration) oo saldhig u ah iskaashi waqti dheer ah, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah sida xog-ururinta seismic, falanqaynta xogta sare, iyo qaabaynta dhulka hoostiisa (subsurface modeling). Waxaa sidoo kale la isla gartay muhiimadda wareejinta aqoonta, kobcinta awoodda (capacity-building), iyo iskaashi farsamo oo lagu taageerayo horumar waara oo dhinaca tamarta ah.

Kulamada ayaa ku soo dhammaaday muujinta rabitaan wadajir ah oo lagu sii xoojinayo wada-hadalka iyo in la sahmiyo waddooyin wax-ku-ool ah oo iskaashi ku saabsan shidaalka iyo gaaska—tallaabo muujinaysa horumar laga gaarayo xoojinta xiriirka tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.