|

Xubnaha mucaaradka uu ku jiro Deni oo isaga tegaya Muqdisho

Warar · Ilhaan · February 25, 2026
Xubnaha mucaaradka uu ku jiro Deni oo isaga tegaya Muqdisho
Xubnaha mucaaradka uu ku jiro Deni oo isaga tegaya Muqdisho
In Summary

Xubnaha mucaaradka uu ku jiro Deni oo isaga tegaya Muqdisho

Waxaa la filayaa in inta badan xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalayay shirkii ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ay maanta iyo berri ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, kadib burburkii wada-hadallada.

Xubnahan, oo uu ugu miisaan culus yahay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa inay u kala safraan Garoowe, Kismaayo iyo Nairobi, halkaas oo ay siyaabo kala duwan uga yimaadeen.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa isku afgartay inay mar kale isugu yimaadaan shir kadib bisha Ramadan, si ay uga tashadaan xaaladda dalka iyo go’aamada ay ka qaadan doonaan arrimaha doorashooyinka.

Dhanka kale, dhinacyada ayaa maanta la filayaa inay kulan kale ku yeeshaan Muqdisho, iyadoo dadaallo lagu doonayo in dib loogu furo wada-hadallada.

Dowladda Soomaaliya ayaa mucaaradka ku eedeysay inay fashiliyeen shirka, halka ay iyadu sii waddo geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka kumeelgaarka ah—qodob kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee huriyay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.