|

Bannaanbax Ballaaran oo Ka Dhan ah Israa’iil oo Ka Socda Muqdisho

Warar · Ilhaan · January 7, 2026
Bannaanbax Ballaaran oo Ka Dhan ah Israa’iil oo Ka Socda Muqdisho
Bannaanbax Ballaaran oo Ka Dhan ah Israa’iil oo Ka Socda Muqdisho
In Summary

Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax

Bannaanbax weyn oo looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil ku hayso midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka socda Taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa soo abaabulay Culimada Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isu-soo-baxa ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, culimo, waxgarad, bulshada rayidka ah iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo si wadajir ah u muujinaya diidmada ay ka qabaan tallaabooyinka Israa’iil iyo go’aankeedii lagu sheegay kala qaybin lagu sameynayo Soomaaliya.

Intii uu bannaanbaxu socday, shacabka iyo madaxda ka hadashay goobta ayaa si cad u muujiyay diyaar-garowga ay u leeyihiin difaaca midnimada dalka iyo ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya.

Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil, iyagoo ku baaqay midnimo iyo feejignaan qaran. Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada ka hadlay bannaanbaxa ayaa sheegay in ujeeddada isu-soo-baxa ay tahay wacyigelin dadweyne, wuxuuna yiri:

“Culimada Soomaaliyeed saaka waxay isugu soo baxeen inay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta Israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta dalka.”

Sidoo kale, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ahaa culimada goobta ka hadlay ayaa xusay in masuuliyad wadajir ah ay saaran tahay dhammaan qeybaha bulshada, isaga oo yiri:

“Maanta oo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon inaysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay Israa’iil.”

Dhankiisa, Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin wax faragelin ah oo lagu sameeyo midnimada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna yiri:

“Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doonno in nagula soo xadgudbo.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Golaha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay, ayaa sheegay in bannaanbaxan uu yahay fariin cad oo ka timid culimada dalka, wuxuuna yiri:

“Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”

Bannaanbaxan ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan arrimaha la xiriira madax-bannaanida, midnimada dalka iyo faragelinta shisheeye, iyadoo culimada iyo bulshada inteeda kale ay si wadajir ah u muujinayaan mowqif midaysan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.