NISA oo sheegtay in 7 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamadooda, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay kooxdaasi gabbaad ka dhiganayeen.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Kuukaayle, oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxuuna dhacay xalay 3 mar oo xiriir ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay NISA.
-
Howlgalka koowaad: Waxaa lagu beegsaday teendho ay ku jireen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 3 dhagarqabe.
-
Howlgalka labaad: Daqiiqado kadib markii howlgalka koowaad uu dhacay, waxaa la weeraray goob kale oo isla deegaanka ah, waxaana lagu dilay 4 xubnood oo kale.
-
Howlgalka saddexaad: Waxaa la beegsaday gaadiid dagaal oo ay kooxda diyaarinayeen, kuwaas oo lagu gubay goobtii.
NISA waxay sheegtay in howlgalka lagu qaaday iyadoo la adeegsanayo xog sirdoon oo horay loo helay, taas oo muujisay dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaankaas ka socday.
“Howlgalkaan waxaa lagu baabi’iyay qorshayaal Khawaarijta ay ku abaabulayeen weerarro ay doonayeen inay ku fuliyaan gobolka, waxaana lagu jabiyay awooddii ay halkaas ku lahayd,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
NISA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada amniga ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan gobollada ay kooxda Al-Shabaab weli ku dhuumaaleysaneyso.