Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyey Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), kaasi oo ujeedkiisu yahay in la mideeyo suuqyada ganacsi ee waddamada Afrika.
Intii lagu guda jiray fadhiga Golaha, 145 mudane ayaa u codeeyay oggolaanshaha heshiiska, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin cid ka aamustay. Natiijada codbixinta ayaa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku tilmaamay ansixinta heshiiskan mid taariikhi ah oo dhanka dhaqaalaha u fureysa Soomaaliya fursado muhiim ah oo la xiriira ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dalalka kale ee Afrika.
“Soomaaliya waxay hadda si rasmi ah uga mid noqotay suuq ganacsi oo mideysan, taasoo fududeyn doonta isu socodka badeecadaha, adeegyada, iyo ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Intii uu socday fadhiga, Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu si adag uga hadlay maqnaanshaha joogtada ah ee qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada dowladda, isagoo xusay in qaar badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Muqdisho balse aan soo xaadiran kulamada Baarlamaanka.
“Waxaa jira wasiiro iyo xildhibaanno Muqdisho jooga oo aan iman fadhiyada. Taas ma aqbaleyno. Waajib baa idin saaran inaad ka qeyb gashaan shaqada qaranka,” ayuu yiri Aadan Madoobe.
Wuxuu ku booriyay dhammaan xubnaha Golaha in ay muujiyaan xilkasnimo iyo mas’uuliyad qaran, si loo dardar geliyo howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah ee horyaalla Baarlamaanka.
Heshiiska AfCFTA ayaa ah dadaal lagu mideynayo suuqyada Afrika si loo fududeeyo ganacsiga gudaha qaaradda, iyadoo la dhimayo canshuuraha, laga saaray xayiraadaha ganacsi, lana taageerayo suuq furan oo xor ah.
Soomaaliya oo hadda si rasmi ah u ansixisay heshiiska, waxay fursad u haysataa:
-
In ganacsatada Soomaaliyeed ay si fudud ula macaamilaan suuqyada Afrika.
-
In la kordhiyo wax soo saarka iyo dhoofinta.
-
In dalka loo soo jiido maalgashi cusub.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka gaarto isdhexgalka dhaqaale ee Qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo sumcadda iyo doorka Soomaaliya ee gobolka.