|

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish

Warar · Ilhaan · July 29, 2025
Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo siday raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah, kuwaas oo loo waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay laamaha amniga, gaariga ayaa la qabtay xilli uu ku sii jeeday aagga Baallde, iyadoo ay la socdeen laba nin dhalinyaro ah oo hadda loo haysto tuhun ah in ay sahayda si qarsoodi ah u gaarsiinayeen kooxda Daacish. Ciidamadu waxay horey u sameeyeen go’doomin adag oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada kooxdaas.

Warar laga helay ilo ku dhow kooxda Daacish ayaa sheegaya in keydkii raashinka iyo dawooyinka ee kooxdaasi uu gabaabsi noqday, taasoo ku qasbtay in ay sahay uga dalbadaan magaalada Boosaaso, iyagoo wajahay cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, dhammaantoodna ku yaalla gudaha togga Baallde, oo qiyaastii 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada militari ee lagu beegsanayo kooxda Daacish, si loo soo afjaro jiritaankooda gobolka Bari.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.