|

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Warar · Ilhaan · July 29, 2025
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta kaabeyaasha ciidamada, iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada dal.

Sareeye Gaas Odawa ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha doorka ay ka qaadato taageerada joogtada ah ee la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ciidamada iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha amniga.

Dhinaciisa, Safiir Wang Yu ayaa mar kale xaqiijiyay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu sii xoojiyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee labada dal, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo horumarka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.