|

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Warar · Ilhaan · May 25, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda qeybo ka mid ah bartamaha dalka.

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay degmadaasi Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid muujinaysa sida shacabka iyo maamulka gobolka ugu heelan yihiin xoojinta dagaalka Alshabaab.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada ku sugan aagga hore ee dagaalka, isaga oo dhiirrigelin iyo hagitaan siinayay cutubyada ka tirsan Ciidanka Dhulka iyo kuwa deegaanka ee gacanta ku haya howlgalada socda. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gulufka ka dhanka ah Khawaarijta si loo sugo amniga guud ee dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay saraakiisha hogaamineysa dagaalka, isaga oo la wadaagay istiraatiijiyado cusub oo lagu dardargelinayo howlgalka sifeynta Khawaarijta ee ka socda xuduudda u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada huwanta ah guulo waaweyn ka gaareen dagaallo xiriir ah oo ay kula jireen Alshabaab, kuwaas oo lagu jabiyay meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan deegaannadaasi.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.