|

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Warar · Ilhaan · May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho, isagoo xusaya halgankii geesinimada lahaa ee gobannimo-doonka ahaa ee ururkii SYL.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta dalka iyo dadaalka lagu ciribtirayo kooxaha Alshabaab

Intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaasha SYL, Madaxweynaha wuxuu duco iyo xusuus u sameeyay 13-kii dhallinyaro ee aasaasay ururka SYL, kuwaas oo door weyn ka qaatay halgankii xornimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meel kasta oo ay joogaan in ay ilaashadaan midnimada, wadajirka iyo dowladnimada, isagoo xusay in qiyamkaasi ay yihiin tiirarkii salka u ahaa halgankii SYL.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.