Mucaaradka oo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur u doortay wakiilkooda shirka Nairobi
Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan
Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday casuumaadda rasmiiga ah ee uga timid dowladda Kenya ee ku saabsan shirka siyaasadeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Nairobi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta casuumaadda Kenya, saamiga Madasha ee ka qeybgalka, iyo xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan habraaca doorashada.
Madasha ayaa ku heshiisay in shirka Nairobi uu matalo hal wakiil oo rasmi ah, si looga fogaado jahwareer siyaasadeed. Waxay si rasmi ah u doorteen Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame inuu noqdo wakiilka keliya ee uga qeybgeli doona shirkaas.
Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa lagu tilmaamay siyaasi khibrad leh oo xiriir dhow la leh beesha caalamka, taasoo ka dhigaysa inuu awood u leeyahay gudbinta aragtida mucaaradka ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.
Shirka Nairobi oo ay soo qabanqaabisay dowladda Kenya, isla markaana ay ka qeybgalayaan wakiillo iyo dowlado caalami ah, ayaa looga hadlayaa jahwareerka doorashada Soomaaliya, habsami u socodka nidaamka qof iyo cod ah, iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Warar hoose ayaa tilmaamaya in beesha caalamka ay si dhow u eegayso dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho, iyadoo mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka ay isku diyaarinayaan wada-hadallo diblomaasiyadeed oo ay Nairobi ku yeelan doonaan.