NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Biyo Madoobe ee hoostagta deegaanka Jicibow, halkaas oo saraakiisha NISA ay sheegeen inay sidoo kale burburiyeen gaari xamuul oo lagu raray rasaas farabadan.
NISA ayaa xaqiijisay in Jicibow uu yahay marin istaraatiiji ah oo ay ciidamada amnigu muddooyinkan adkeynayaan, si loo yareeyo isku gudubka argagixisada ee u dhexeeya galbeedka iyo bariga Hiiraan.
Hay’adda ma aysan soo bandhigin sawirrada ama magacyada dadka lagu dilay howlgalkaas.
Maalmihii ugu dambeeyay, Taliska NISA ayaa beegsanayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah dalka.