Laftagareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada Koonfur Galbeed
Laftagareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqo guddiga doorashada ee maamulkaas.
Laftagareen ayaa maalmahan dambe waday abaabulkii ugu dambeeyay ee la xiriira dhismaha guddiga doorashada, isagoo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah.
Wararka ayaa sheegaya in magacaabista guddigan ay kordhin karto xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan gudaha maamulka iyo heer federaal.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka iyo habraacyadooda.
Waxaa la filayaa in ku dhawaaqista guddiga doorashada ay sii xoojiso doodaha siyaasadeed ee taagan, isla markaana ay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.