Maamulka Waqooyi Bari oo Beeniyay Joogitaanka Al-Shabaab ee Deegaannadiisa
Maamulka Waqooyi Bari oo Beeniyay Joogitaanka Al-Shabaab ee Deegaannadiisa
Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaannada hoos yimaada maamulkaasi, isagoo xusay in aanay jirin wax raad ah, saldhigyo ama dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo ka jira guud ahaan dhulka Waqooyi Bari.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu beeniyay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo ay ka soo muuqdeen dad wajiyada duubtay oo sheeganayay in ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood isla markaana ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Boolisku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyay muuqaalkaas, lana xaqiijiyay in uu yahay mid lagu farsameeyay Garaadka Macmalka ah (AI), looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Maamulka Waqooyi Bari.
Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqay in aysan ku degdegin faafinta wararka been abuurka ah, isla markaana ay ka feejignaadaan xogaha lagu baahinayo baraha bulshada ee aan ka imaanin ilo rasmi ah.