|

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah
Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah
In Summary

amar cusub oo lagu xakameynayo hubka l

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo lagu xakameynayo hubka loo adeegsado falal dambiyeedyo ka dhan ah nabadgelyada guud.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in hub kasta oo loo adeegsado dambiyo wax u dhimaya amniga, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Galmudug laga la wareegi doono dambiilaha, kaddib marka maxkamaddu xukun rasmi ah ku riddo.

Wasaaraddu waxay caddeysay in marka xukunka maxkamaddu dhaqan-galo, hubkii lagu galay dambiga si rasmi ah loogu wareejin doono Wasaaradda Amniga Gudaha, si looga hortago in mar kale loo adeegsado falal amni-darro ah.

Amarkan ayaa la sheegay inuu dhaqan-gal yahay, isla markaana uu ka tarjumayo masuuliyadda Wasaaradda Amniga Gudaha ee sugidda nabadgelyada iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah.

Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa fartay dhammaan hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si buuxda u fuliyaan amarkan, si loo xoojiyo nabadgelyada, kala dambeynta iyo xasilloonida bulshada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.