|

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo yimid Muqdisho

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo yimid Muqdisho
Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho
In Summary

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya, Ridwan Xuseen, ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ridwan Xuseen ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay inuu gaarsiiyay farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Faahfaahin rasmi ah lagama bixin ujeedka kulanka, balse ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in laga wada hadlay isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda gobolka Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Axaddii booqasho ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Safarka Taliyaha Sirdoonka Itoobiya ee Muqdisho ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha Geeska Afrika, gaar ahaan kaddib markii Israa’iil ay shaacisay aqoonsiga Somaliland.

Ilaa hadda wax war rasmi ah kama soo bixin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan booqashadan maanta dhacday.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.