MW Deni oo si adag uga hadlay khilaafka siyaasadeed iyo midnimada dalka
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka taagan, isagoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qayb-galka fagaarayaasha lagu gorfeeyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan haddii Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu qabto shirka ay mucaaradku ku baaqeen.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dalka uu marayo marxalad halis ah, isla markaana midnimo aan lagu raadin karin aflagaado iyo hadallo kicinaya kala qaybsanaan, isagoo xusay in habkaas uusan horseedi karin wadajir qaran.
Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Puntland aysan marnaba gorgortan ka geli doonin midnimadeeda iyo wadajirka maamulkeeda, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka hadda jira ee dowladda federaalka inay ka shaqeynayaan kala qaybin iyo is-mariwaa siyaasadeed, halkii ay ka xoojin lahaayeen midnimo qaran.
“Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin iyo mus hooking ka shaqeynaya, mana ahan mid midnimo u adeegaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu sidoo kale sheegay in midnimada Soomaaliya aan lagu keeni karin cay iyo hanjabaad, isagoo si dadban u dhaliilay hadallada ay madaxda federaalka u jeediyaan Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay sii xoojinayaan kala fogaanshaha.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay weli ka go’an tahay midnimada Soomaaliya iyo ilaalinta jiritaankeeda gaarka ah, taas oo uu xusay inay ahayd ujeeddadii lagu aas-aasay Puntland sanadkii 1998.
Hadalladan ayuu Madaxweynaha Puntland jeediyay xalay, xilli uu la hadlayay dhalinyarada Puntland.