Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyay Rabshadihii Ka Dhacay Degmada Dayniile
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah ka soo saaray shaqaaqo shalay ka dhacday xaafad ka tirsan Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, taas oo la xiriirtay banaanbax ay dhigeen kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan.
Booliska ayaa sheegay in banaanbaxaasi uu isu beddelay fowdo iyo rabshado, kadib markii la weeraray dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, halkaas oo lagu boobay hanti ganacsi, isla markaana ay goobta isugu soo baxeen haween iyo carruur.
Ciidamada Booliska oo sameeyay gurmad degdeg ah ayaa gaaray goobta rabshaduhu ka dhaceen, hase yeeshee intii ay ku guda jireen sugidda amniga iyo badbaadinta hantida shacabka, ayay la kulmeen dhagax-tuur iyo falal rabshado wata oo ay sameeyeen dad abaabulan.
Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in rabshadahaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo, iyadoo la caddeeyay in aanay jirin wax khasaare naf ah.
Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga guud, xasilloonida bulshada iyo badbaadinta hantida shacabka, iyagoo ka digay fal kasta oo carqaladeynaya amniga magaalada.
Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyay Rabshadihii Ka Dhacay Degmada Dayniile