|

IMF oo Soo Gabagabeeyay Dib-u-Eegista 4-aad Kadib Deyn Cafintii Soomaaliya

Warar · Ilhaan · December 10, 2025
IMF oo Soo Gabagabeeyay Dib-u-Eegista 4-aad Kadib Deyn Cafintii Soomaaliya
IMF oo Soo Gabagabeeyay Dib-u-Eegista 4-aad Kadib Deyn Cafintii Soomaaliya
In Summary

Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka

Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa soo gabagabeeyay dib-u-eegista afaraad ee qorshaha wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF ee ka dambeeyay deyn cafinta dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa soo dhaweeyay go’aankan, isagoo sheegay in uu caddeyn u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda ee dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta dakhliga gudaha.

Warbixinta IMF ayaa lagu sheegay in “Dowladda Soomaaliya ay sii wadday waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah, xilli ay jiraan caqabado caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca gargaarka dibadda. Markii ugu horreysay, dowladda waxay qorsheyneysaa inay ballaariso kharashaadka adeegyada bulshada iyadoo kaashaneysa dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta gargaarka yaraaday.”

Dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ayaa horseeday in IMF ay ansixiso in Soomaaliya la siiyo $40 milyan oo doolar, taas oo qayb ka ah barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in dowladda ay ku socoto waddadii saxda ahayd, iyadoo hirgelinaysa dib-u-habeyn muhiim ah oo kordhinaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, isla markaana taageeraysa kobaca dhaqaalaha dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.