|

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday mucaaradka

Warar · Ilhaan · February 23, 2026
MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday mucaaradka
MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday mucaaradka
In Summary

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka mid ah wakiillada dowladda uga qeybgalaya wada-hadallada siyaasadeed, ayaa gaaray Hotel Airport ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka, oo wakiil ka ah Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo la leh madaxda Golaha Mustaqbal, kuwaas oo hotelkaasi ku leh shirar xasaasi ah. Waxaa la filayaa in kulamadan ay ka soo baxaan go’aan la xiriira shirkii shalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankii shalay dhexmaray dowladda iyo mucaaradka wax natiijo ah lagama gaarin. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay la hadlay xubno ka tirsan mucaaradka, isaga oo caddeeyay in wada-hadalladu sii socon doonaan, si xal looga gaaro xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.