|

Shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo Mar Kale Ka Furmaya Villa Somalia

Warar · Ilhaan · February 22, 2026
Shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo Mar Kale Ka Furmaya Villa Somalia
Shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo Mar Kale Ka Furmaya Villa Somalia
In Summary

Shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo Mar Kale Ka Furmaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa maanta martigelinaysa shir kale oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa, madaxda Puntland iyo Jubaland, madax hore, xubno ka tirsan hay’adaha dowladda iyo siyaasiyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda saaraya xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loogu kala aragti duwanaa, iyo wax-ka-beddelka dastuurka kumeel-gaarka ah.

Golaha Mustaqbalka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay inay maanta si wadajir ah u tagaan Villa Somalia, si loo sii amba-qaado wada-hadallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxtooyadu diidday guddi ay Golaha u saareen wada-xaajoodyada doorashada, isla markaana ay fashilmeen isku-dayo hore oo lagu doonayay in khilaafka lagu xalliyo kulamo gaar-gaar ah.

Golaha ayaa ku adkeysanaya qabashada doorashooyin dadban oo ka metelaad ballaaran kuwii hore, kahor bisha May, iyagoo sidoo kale dalbanaya in la qabto doorashooyinka maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo muddo-xileedkoodu dhammaaday.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa weli ku adkeysanaysa hirgelinta wax-ka-beddelka dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, sida uu qabo dastuurka cusub, iyadoo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wararka siyaasadeed ayaa sheegaya in qodobka u furan Madaxtooyada xilligan uu yahay in haddii ay suurtagal noqon weydo doorasho qof iyo cod ah, awoodda dib loogu celiyo odayaasha dhaqanka, si la mid ah doorashadii 2012 ee Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo helo xildhibaanno taageero u ah dowladda.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.