|

Abiy Axmed: “Waxaan Dhisnay Ciidan La Dagaallama Argagixisada Soomaaliya”

Warar · Ilhaan · February 23, 2026
Abiy Axmed: “Waxaan Dhisnay Ciidan La Dagaallama Argagixisada Soomaaliya”
ABIY AHMED CIIDAN XOOG LEH
In Summary

Waxaan Dhisnay Ciidan La Dagaallama Argagixisada Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dalkiisu dhisay ciidan gaar ah oo la dagaallama “argagixisada Bariga Afrika,” isagoo xusay in awooddaasi ay door ka qaadan doonto sugidda amniga gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka jeediyay magaalada Hawassa, munaasabadda sannad-guuradii 65-aad ee aasaaska Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Difaaca Itoobiya.

“Diyaargarowgeennu waa inaan xaqiijinno nabadda Afrika,” ayuu yiri Abiy, isagoo intaas ku daray in Itoobiya ay diyaar u tahay inay noqoto “garab iyo gaashaan” dalalka gobolka. Wuxuu tilmaamay in ciidamadu ka gudbeen tababarradii dhulka iyo buuraha una wareegeen tababarrada badda, si ay ula jaanqaadaan khataraha cusub ee amni.

Abiy ayaa sheegay in la dhisay ciidan aqoon sare leh oo aan ku filnayn oo keliya Itoobiya, balse ka shaqeyn kara amniga gobolka oo dhan, si looga hortago argagixisada loona xaqiijiyo horumar iyo barwaaqo waarta. Wuxuu xusay in taageero loo fidinayo “shucuubta walaalaha ah” ee wajahaya khataraha badda laga bilaabo cirifka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka, Berhanu Jula, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo milatariga.

Farriin uu diray, Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu ku tilmaamay Taliska Hawlgallada Gaarka ah “ragga koofiyadaha gaduudan ee soo afjara dagaallada kana hortaga kuwa cusub,” isagoo carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay dhiseyso xarumo istaraatiiji ah oo ku shaqeeya tignoolajiyada casriga ah, si looga hortago una soo afjaro dagaallada iyo falalka argagixiso ee ka dhaca gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.