Baarlamaanka oo Dood Ka Furay Wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee Dastuurka
Baarlamaanka oo Dood Ka Furay Wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee Dastuurka
Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay ka doodista wax-ka-beddel lagu sameynayo Cutubka 6-aad ee dastuurka, sida ay soo jeediyeen Guddiyada Dastuurka.
Xildhibaannada Labada Gole ayaa si qoto dheer u falanqeynaya qodobbada la xiriira awoodaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyo sidoo kale habraaca sharci-dejinta, si loo waafajiyo nidaamka dastuuriga ah iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha sharci-dejinta dalka.
Dooddan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, iyadoo la isku dayayo in la caddeeyo awood-qaybsiga iyo xiriirka ka dhexeeya Labada Aqal, loona xoojiyo hufnaanta iyo wada shaqeynta Baarlamaanka.
Kulankan 17-aad ayaa la filayaa inuu noqdo mid saameyn ku yeesha jihada dib-u-habaynta dastuuriga ah, maadaama qodobbada laga doodayo ay door muhiim ah ku leeyihiin qaab-dhismeedka sharci-dejinta iyo nidaamka dowladeed ee dalka.