|

Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diray Markab Casri ah oo Qodista Shidaalka

Warar · Ilhaan · February 15, 2026
Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diray Markab Casri ah oo Qodista Shidaalka
Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diray Markab Casri ah oo Qodista Shidaalka
In Summary

Turkiga oo Soomaaliya u Soo Diray Markab Casri ah oo Qodista Shidaalka

Dowladda Turkiga ayaa maanta si rasmi ah ugu dirtay Soomaaliya markab casri ah oo loogu talagalay qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo ku wajahan xoojinta iskaashiga tamareed ee labada dal.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa muuqaal uu baahiyay ku xaqiijiyay in markabka qodista shidaalka ee Jaara Bey Çağrı Bey uu maanta u soo ambabaxay Soomaaliya, si uu u bilaabo hawlgallo la xiriira baaritaan iyo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.

Markabkan ayaa ka dhaqaaqay Mersin Port, isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya. Waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah maraakiibta ugu casrisan ee Turkigu leeyahay, looguna talagalay inuu hormuud ka noqdo wejiga cusub ee sahminta khayraadka tamarta Soomaaliya.

Hawlgallada ayaa diiradda saari doona badda Soomaaliya, iyadoo la filayo in laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ku saabsan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Markabka ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro magaalada Muqdisho, halkaas oo loo qorsheeyay xaflad soo dhaweyn rasmi ah oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda sare ee dowladda.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana loo arkaa bilowga marxalad cusub oo iskaashi dhaqaale, tamareed iyo horumarineed, taasoo Soomaaliya u furi karta fursado waaweyn oo dhinaca wax-soo-saarka tamarta iyo kobaca dhaqaalaha.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.