|

MW Xasan Sheekh oo Itoobiya kula Kulmay Madaxda Afrika

Warar · Ilhaan · February 15, 2026
MW Xasan Sheekh oo Itoobiya kula Kulmay Madaxda Afrika
MW Xasan Sheekh oo Itoobiya kula Kulmay Madaxda Afrika
In Summary

MW Xasan Sheekh oo Itoobiya kula Kulmay Madaxda Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo diblomaasiyadeed oo muhiim ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay mas’uuliyiin kale oo Afrikaan ah, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka qaaradda, xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo dadaallada dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo dowlad-dhiska, wuxuuna madaxda Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulamadan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka gobolka iyo doorka ay ka qaadanayso xasilloonida iyo iskaashiga Afrika.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.