|

RW Xamsa iyo Wafuud Kale oo Maanta Tagaya Laascaanood

Warar · Ilhaan · January 16, 2026
RW Xamsa iyo Wafuud Kale oo Maanta Tagaya Laascaanood
RW Xamsa iyo Wafuud Kale oo Maanta Tagaya Laascaanood
In Summary

RW Xamsa iyo Wafuud Kale oo Maanta Tagaya Laascaanood

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, uu gaaro wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, kaddib markii uu shalay ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Turkiga.

Magaalada Laascaanood ayaa horey u martigelisay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira wasiirro, xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo hordhac u ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha. Qaar ka mid ah xubnaha wafdiga ayaa shalay gaaray magaalada, waxaana si diirran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga ku sugan Laascaanood waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga, oo ay ku jiraan Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Axmed Firdhiye, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay Laascaanood, halkaas oo uu hoggaamin doono munaasabado muhiim ah oo la xiriira caleemo-saarka.

Dhanka amniga, xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta gaareen magaalada. Ciidamo isugu jira kuwa federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo kuwa deegaanka ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda ammaanka.

Masuuliyiinta haatan ku sugan Laascaanood iyo kuwa la filayo inay maalmaha soo socda yimaadaan ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Firdhiye, iyo ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid, kuwaas oo la doortay 30-kii August 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa booqashada Laascaanood, maadaama ay tahay magaalo astaan u ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey Laascaanood ugu tilmaamay “xuddunta midnimada Soomaaliya”, isagoo xusay in booqashooyinka hoggaanka qaranka ay farriin cad u dirayaan cid kasta oo ka fakaraysa kala-qaybin.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee Laascaanood ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago magaalada, kaddib booqashadii uu sameeyay 12-kii Abriil 2025 oo loogu magac daray “Safarkii Wadajirka, Nabadda iyo Midnimada”. Waxa kale oo uu noqonayaa Ra’iisul Wasarihii ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee laba jeer oo isku xigta booqda magaalada Laascaanood.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.