|

Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa

Warar · Ilhaan · January 3, 2026
Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa
Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa
In Summary

Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay hawlgal

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku fuliyay hawlgal militari oo ballaaran oo ka dhan ah dalka Venezuela, kaas oo uu ku andacooday in lagu qabtay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa.

Qoraal uu Trump ku daabacay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay in Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa lagu qabtay hawlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada iyo hay’adaha ammaanka ee Mareykanka, isla markaana lagu saaray diyaarad dalka dibeddiisa u qaaday.

Trump ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Venezuela lagu maxkamadeyn doono gudaha Mareykanka, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin halka uu hadda ku sugan yahay ama nooca eedeymaha rasmiga ah ee loo jeedinayo.

Sheegashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Venezuela, kaddib warar isa soo tarayay oo ku saabsanaa qaraxyo iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhacay caasimadda Caracas.

Ilaa iyo hadda, dowladda Venezuela kama aysan hadlin hadalka Trump, sidoo kalena ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid hay’adaha Mareykanka ama warbaahinta caalamiga ah oo si madax-bannaan u caddeynaya sheegashadan.

Wararka la xiriira arrintan ayaa weli ah kuwo is khilaafsan, waxaana socda dabagal lagu xaqiijinayo runta ka dambeysa hadalkan uu shaaciyay Madaxweynaha Mareykanka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.