|

DFS oo shaacisay in la beegsaday xaruntii ugu weynayd Al-Shabaab ee Gobolka Baay

Warar · Ilhaan · January 3, 2026
DFS oo shaacisay in la beegsaday xaruntii ugu weynayd Al-Shabaab ee Gobolka Baay
DFS oo shaacisay in la beegsaday xaruntii ugu weynayd Al-Shabaab ee Gobolka Baay
In Summary

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen hawlgal militari oo qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday mid ka mid ah xarumihii ugu waaweynaa ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buula Fuuleey ee Gobolka Baay.

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in hawlgalka ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Danab, iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, isla markaana uu ahaa mid si heer sare ah loo diyaariyey, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyey in in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad lagu dilay weerarka.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyey idaacad ay Al-Shabaab u adeegsan jireen faafinta dacaayadaha iyo wararkooda, taas oo ku taallay isla deegaanka Buula Fuuleey.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin magacyada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalka, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogayaasha ama maleeshiyaadka la khaarijiyey.

Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli laba maalmood ka hor weerar kale oo la mid ah laga fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyey Al-Shabaab.

Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyadoo sii xoojinaysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.