|

Dibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Isra'11L oo xalay ka dhacay Muqdisho

Warar · Ilhaan · December 29, 2025
Dibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Isra'11L  oo xalay ka dhacay Muqdisho
Dibadbax ballaaran oo ka dhan ah xadgudubka Isra'11L oo xalay ka dhacay Muqdisho
In Summary

Dibadbax looga soo horjeeday xadgudubka

Dibadbax looga soo horjeeday xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho ayaa isugu soo baxay bannaanbaxa, iyaga oo si cad u muujiyay caro iyo diidmo ku aaddan tallaabada Israa’iil, isla markaana adkeeyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha dibadbaxa oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacaan qaranimada dalka, iyagoo muujiyay dareen wadaniyadeed iyo midnimo shacab.

“Caawa annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo diidmadeenna xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibadbaxa.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa isna sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay muujiyaan mowqifkooda qaran, isagoo yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed caawa diyaar bay u yihiin inay muujiyaan shucuurtooda.”

Sidoo kale, Burhaan Axmed Rooble ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay si mideysan u muujiyeen dareenkooda ka dhanka ah mowqifka Israa’iil.

Dibadbaxan ayaa kusoo aadaya kaddib markii 26-ka bishan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu shaaciyay in dowladdiisu aqoonsanayso maamulka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), tallaabadaas oo ay si adag uga hor yimaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kuna tilmaameen ficil si toos ah uga dhan ah qaranimada, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.