Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen oo hanjabaad culus u diray Somaliland kaddib aqoonsiga Israa’iil
Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen
Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa markii ugu horreysay si toos ah u shaaciyay hanjabaad ka dhan ah joogitaan kasta oo Israa’iil ka sameyso Somaliland, kaddib go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan.
Khudbad uu ka jeediyay telefishinka Al-Masirah, oo ay Xuuthiyiintu leeyihiin, ayuu Al-Xuutii ku caddeeyay in xarun ama joogitaan Israa’iil ku yeelato Somaliland ay u arkaan bartilmaameed ciidan oo si toos ah loo beegsan doono.
Al-Xuutii ayaa sheegay in tallaabadaasi tahay, sida uu hadalka u dhigay, “gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen,” isla markaana ay khatar ku tahay amniga guud ee gobolka.
“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Gobolka Somaliland bartilmaameed ciidan oo ay beegsanayaan ciidamadeenna, maadaama uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana khatar ku ah amniga gobolka,” ayuu yiri hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.
Wuxuu intaas ku daray in kooxdiisu diyaar u tahay qaadista dhammaan tallaabooyinka taageero ee ay awoodaan, si ay u garab istaagaan, sida uu sheegay, shacabka Soomaaliyeed. Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayuu ku tilmaamay “tallaabo cadawtinimo ah” oo ujeedadeedu tahay fulinta hawlo khatar ku ah amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Al-Xuutii ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil in ay doonayso in Somaliland u adeegsato saldhig ay ka fuliso hawlo ka dhan ah Soomaaliya, dalalka Afrika, Yemen iyo guud ahaan dunida Carabta.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa baaq u diray dalalka Carabta iyo Islaamka, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato mowqif mideysan oo adag, laguna garab istaago Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diidday tallaabadaas, kuna adkeysanaysa in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tani ayaa noqotay hanjabaaddii ugu horreysay ee si toos ah uga timaadda Xuuthiyiinta Yemen oo ka dhan ah Somaliland tan iyo markii ay Israa’iil shaacisay aqoonsigeeda.
Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa maanta baahisay in xiriirka ay Israa’iil la yeelanayso Somaliland uu u fududeyn karo ciidamadeeda cirka in ay weerarro ka fuliyaan gudaha Yemen, kuwaas oo ka ballaaran kuwii hore ee ay Israa’iil ka geysatay goobaha ay Xuuthiyiintu ka taliyaan.
Arrintan ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka, iyadoo ay isa soo tarayaan falcelinta heer gobol iyo heer caalami ee ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.