|

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira uga qayb-galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Warar · Ilhaan · December 21, 2025
Wafdi ka socda DFS oo Qaahira uga qayb-galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika
Wafdi ka socda DFS oo Qaahira uga qayb-galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika
In Summary

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qayb-galay shirka labaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo qabsoomay intii u dhaxeysay 19–20 December.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla qaaradda Afrika iyo doorka Ruushka ee taageerada horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay in caqabadaha caalamiga ah ee taagan aan lagu xallin karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo ka dhalata qaaradda Afrika lagu gaari karo oo keliya marka la isku dubbarido dadaallada la xiriira amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimada.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isaga oo ku baaqay nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah si wax looga qabto caqabadaha isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.