|

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Warar · Ilhaan · December 17, 2025
Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan  Al-Shabaab
Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
In Summary

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal maleeshiyaad oo ka tirsanaa  Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan, taas oo muujinaysay in Al-Shabaab ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, ayna qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gaadiidka shacabka.

Howlgalka oo si guul leh ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii kooxda, waxaana meesha laga saaray khatartii ay ku hayeen dadka deegaanka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa mar kale caddeysay inay ka go’an tahay beegsiga Al-Shabaab meel kasta oo ay joogaan, si loo ciribtiro dhagartooda loona xaqiijiyo ammaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.