Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka.
Howlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan, taas oo muujinaysay in Al-Shabaab ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, ayna qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gaadiidka shacabka.
Howlgalka oo si guul leh ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii kooxda, waxaana meesha laga saaray khatartii ay ku hayeen dadka deegaanka.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa mar kale caddeysay inay ka go’an tahay beegsiga Al-Shabaab meel kasta oo ay joogaan, si loo ciribtiro dhagartooda loona xaqiijiyo ammaanka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.