|

Mucaaradka oo sheegay inaysan aqbali doonin muddo korarsi iyo doorasho hal xisbi wato

Warar · Ilhaan · December 16, 2025
Mucaaradka oo sheegay inaysan aqbali doonin muddo korarsi iyo doorasho hal xisbi wato
Mucaaradka oo sheegay inaysan aqbali doonin muddo korarsi iyo doorasho hal xisbi wato
In Summary

Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay inaysan aqbali doonin muddo-korarsi sharci-darro ah ama doorasho uu hal xisbi wato, iyagoo ku baaqay hannaan doorasho oo heshiis qaran lagu yahay.

Madaxda mucaaradka Soomaaliyeed ayaa si cad u shaaciyay inaysan aqbali doonin muddo-korarsi sharci-darro ah oo ay sameystaan madaxda dowladda hadda jirta, marka uu dhammaado xilliga sharciyeed ee May 2026.

Hadalladan ayaa ka soo baxay shir ay xalay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen musharraxiin Madaxweyne, Ra’iisul Wasaareyaal hore, iyo siyaasiyiin caan ah.

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uusan aqbali doonin natiijo ka timaadda doorasho uu hal xisbi wato, isagoo yiri:

“Ma aqbali karo, mana aqoonsani wixii ka dhasha doorasho uu hal xisbi wado.”
Khayre ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin amni lagu qaban karo doorasho, inta aan dalka laga xoreyn argagixisada.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in mucaaradku aysan aqbaleyn waxa uu ku tilmaamay doorasho beenaad ah oo ka socota Muqdisho, isagoo xusay in waqtigii dowladda uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhaliilay jihada doorasho ee dowladda, isagoo sheegay in doorashada ay waddo dowladda aysan dan u ahayn dalka, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay farageliso.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-fal awoodeed, isagoo sheegay in talooyinka muhiimka ah ay ku urursan yihiin hal qof, isla markaana:

“Guddi hal qof leeyahay, doorasho hal qof leeyahay, iyo xisbi hal qof leeyahay ma soconeyso. Guddiga waa inuu noqdaa mid madaxbannaan.”

Sidoo kale, mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xiritaanka jidadka, faragelinta amniga, iyo maamulka doorashada, iyagoo ku baaqay wada-hadal qaran iyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, mucaaradku waxay sheegeen in ay si mideysan uga hortagi doonaan tallaabo kasta oo keeni karta muddo-korarsi sharci-darro ah, iyagoo ku adkeystay in mustaqbalka siyaasadeed ee dalka lagu saleeyo heshiis, sharci iyo isla xisaabtan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.