|

Booliska Soomaaliya oo qabtay askari lagu eedeeyay dilka wiil bajaajle ah

Warar · Ilhaan · December 16, 2025
Booliska Soomaaliya oo qabtay askari lagu eedeeyay dilka wiil bajaajle ah
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askarigii dilay wiil bajaajle ah
In Summary

Booliska Soomaaliya ayaa ku qabtay Dayniile askari lagu eedeeyay dilka wade mooto bajaaj ah, iyagoo sheegay in baaritaan socdo isla markaana kiiska loo gudbin doono maxkamad.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum Cabdirisaaq Abukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana uu socdo baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta iyo sababaha ka dambeeyay dilka. Waxa kale oo ay xuseen in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidka ku ah nabadgelyada shacabka, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo sugo amniga guud.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.